Baska Metro 120 wuxuu isu beddelayaa RapidRide H Line!
Maxaad filan kartaa waqtiga dhismuhu socodo
Juun 2020
Waxan imika ku gudo jirnaa dhisid si aannu ugu diyaarinno waddada Delridge Way SW imaatinka baska RapidRide H Line. Shaqooyinkan hoos ku qoran ayaa imika socda:
- Shaqo habeenkii oo idil
- Xiritaanno waddooyinka dhinacyada (SW Orchard St)
- Shaqooyin halka biyaha roobku maraan
- Gelinta dhuumaha biyaha
- Dhawaq dheer, boor, iyo gariir
- Baabuurta waxa laga yaabaa in loo wareejiyo hal dhinac oo ka mida Delridge Way SW, iyadoo hal leyn loo deynayo baabuurta labada jiho u socota
- Waxa laga yaabaa inaannu ka shaqeyneyno isgoysyada qaarkood waxana laga yaabaa in leexashooyinka la adkeeyo. Fadlan raac calaamadaha halkaa yaal ee timmaamaya jidadka kale ee la mari karo.
- Waxa jiri doona xiritaanno halka basaska laga raaco sida uu baahiyey King County Metro. Fadlan iska diiwan geli halka Metro Rider Alerts si aad warar dheeri ah u hesho
Waxan kaashaneysaa Metro si ay u dhisto Delridge Way SW iyo in dib u hagaajin ugu sameyso dadka lugeynaya, baaskiillada wata, ama raaca baska RapidRide H Line.
Waannu fahamsan nahay in wax badan iska beddeleen West Seattle labadii bilood ee ugu dambeeyey. Imika in ka badan sidii hore, waxan u baahan nahay inaannu abuurno basas deg-dega iyo in la dayactiro waddooyinka xaaladdoodu liidato si West Seattle loogu caawiyo iney dhaqaaqdo waqtiga fog. Ka hor inta aanan kor u qaadin tayada iyo tirada raacayaasha, waxanu u baahan nahay inaannu dib u dhisno oon laamiyeyno waddooyinka xamili kara gaadiidka dadweynaha, waana sababtaa midda aan dooneyno aannu hore ugu dhaqaaqeyno inaan waddo bas oo hagaagsan uga hirgelino Delridge Way SW.
Laga bilaabo bisha Juun ee sammerkan, waxanu ka shaqeyn doonnaa xaafaddaada si aannu u dhisno waddooyinka burburay, aan hagaajinno meelaha dadku ku lugeeyaan, iyo ku daris calaamado nalal u gaar ah bas leenka si mudnaan u helaan gaadiidka. Khadka cusub ee RapidRide H line wuxuu socod bilaabi doonaa dayrta ama fall 2021, iyadoo dhismuhu dhammaan doono sannadka 2022.
Qaabeynta waddadeena Delridge Way SW waxa ka mida:
- Leyman cusub oo bas oo si sahlan u dhaafa baabuurta
- Seenyaalayaal cusub oo basaska safka hore u fura xilliga guduudka
- Qeybo dhexe cusub si loo cagaariyo Delridge oo gaabiya baaburta
- Taallooyin farshaxan cusub oo goob bulshada abuurta ahaata
- Laamiyeyn cusub oo si sahlan loogu safro iyo jid cimrigiisu raago
- Bullaacado cusub iyo tuubooyin biyaha la cabbo iyo kuwa wasaqda
- Laymanka baaskiillada cusub, waddo-dhinaceedyada, baaskiillada/socodka, isku xirnaanta xaafadaha greenway, iftiin nalal dadka lugeeya, iyo dayactir waddo dhinaceedyada si dadku lugeynaya iyo baaskiillada wata uga adeegtaan xaafadda uguna tagaan basaska sida ugu nabad iyo raaxo badan.
- Joojinta Parkinnada – qaabka cusub wuxuu beddelayaa dhowr baloogyo oo baabuurta lagu barking gareeyo si firaaqo loogu helo layman cusub oo basaska iyo baaskiillada u gaar ah
- Waqtiga Parkinnada oo la xaddido waqtiga basaska socodkoodu ku badan yihiin laymanka u gaarka ah markaasi oo baabuurta laga dhaqaajin doono si firaaqo loogu helo basaska maalmaha toddobaadka subax iyo galabba.
Waxa badan oo mashruuca ku saabsan kala soco iyo waxa ka filan karto dhismaha halkan.
Nala wadaag fikirkaaga
Ma ku nooshahay ama meel u dhow Delridge Way SW mana dooneysaa warbixinno aad ku hesho luqaddaada?
Hadddii aan ku nooshahay Delridge Way SW, fadlan filo shaqooyinka ka socda gurigaaga hortiisa ama meelaha u dhow. Shaqadani waxey mararka qaar xiri kartaa waddooyinka lagu leexdo, waddooyinka socodka, ama waxey socon karaan habeenkii. Haddii aad email inoogu soo dirto magacaaga, adreeskaaga, iyo sida ugu wanaagsan ee lagula soo xiriiri karo, waxanu ku turjumi karnaa warbixinnada dhismaha cinwaankaaga waxanuna kugu soo diri doonnaa email. Fadlan email noogu soo dir DelridgeTransit@Seattle.gov
Xilliga mashruucu dhismihiisu socdo laga bilaabo summer 2020 ilaa 2022, fadlan filo:
- Waqiga guud ee shaqada socoto laga bilaabo 7 AM ilaa 7 PM maalmaha toddobaadka
- Dhawaq, boor, iyo baabuuro aad u waaweyn oo socda
- Baarkinnada oo si ku meel gaar ah loo xayiro
- Muddooyin kooban oo biyaha la xiro. Hore ayaa la idiin ogyesiin.
- Saameyn ku meel gaar ah waddooyinka baabuurtu ku leexato
- Shaqooyin la qabto habeennadii iyo maalmaha todobaadka dhamaadkiisa si loo yareeyo saameynta baabuurta socodkooda
- Xiritaanno buuxa oo lagu sameeyo isgoysyo qaar weekends-ka
- Xiritaanno ku meel gaar ah waddooyin dhinaceedyo
- Mararka qaar oo baabuurta leexin lagu sameeyo
- Is beddello Laymanka baabuurta lagu sameeyo goobaha dhismaha
- Leexisyo lagu soo rogo lugeeyeyaasha iyo baaskiillada goobaha dhismayaashu ka socdaan
- Dad calamo lula oo caawiya jiheynta baabuurta haddii loo baahdo
- Leexinno iyo raris ku meel gaar ah basaska iyo goobaha laga raaco